Talobixin sharciyeed

Tababar

Saamaynta bulshada

Antidiskrimineringsbyrån Väst (waaxda Galbeed ee Xafiiska ka hortagga takoorka) talo iyo taageero ayuu siiyaa dadka la takooray. Waxaynu bixinaa casharro iyo tababarro ku saabsan takoorka iyo sida looga hortagi karo.

Waxaad xaq u leedahay inaad ku noolaato nolol takoor xor ka ah. Siyaasiyiinta iyo madaxda kale waxaa ku waajib ah inay hubsadaan in takoorka laga hortago. Annagana waxaynu u shaqaynaa inaan iyaga saamayno si ay waajibkooda uga soo baxaan.

Shaqadayadu waxay ku dhisan tahay xuquuqda bani’aadamka iyo sharciyada Iswiidhan ee ka hortagga takoorka.

Talobixin

Sharciyaqaanadayadu bilaash ayay talo iyo taageero ku bixiyaan

Marka si kooban loo qeexo, takoorku waa marka qof laga eexdo oo uu waayo wax uu qof kale oo xaalad la mid ah ku jiro helay.

Waa xuquuq bani’aadan in lagu noolaado nolol takoorka xor ka ah. Xagga sharciga Iswiidhan takoorku waa dembi. Hase ahaatee sharciyan xaqdarro oo dhami ma aha takoor.

Marar badan ayaa nala weydiiyaa waxaan dadka u qaban karno. Su’aalaha ugu badan ee nala weydiiyo waa:

Yaa caawimo idin ka heli kara?

Qolyaha aan talobixinta sharciyeed bilaashka ku siinno waxaa ka mid ah shakhsiyaad gaar ah, ururro, shaqo-bixiyayaal iyo dugsiyada gobolka Västra Götaland, aan ka ahayn degmooyinka ka tirsan Fyrbodal. Haddii takoorka uu shaqo khuseeyo oo aad urur shaqaale xubin ka tahay, marka hore ururka ayaad arrinta ula tageysaa.

Maxaad dadka ka caawimi kartaan?

Haddaad dareento in xaqdarro laguula dhaqmay, waad nala soo xiriiri kartaa. Waa kuu bilaash. Talo ayaan bixin karnaa, waxaanna baari karnaa hadduu jiro tuhun xadgudub sharciga ka hortagga takoorka ka dhan ah. Xaalado badan oo caddaaladdarro loo arki karo ayaan xagga sharciga takoor ahayn.

Qaybaha kale ee sharciga kaalama garab geli karno. Haddaan u aragno in arrintu aysan khusaynin sharciga ka hortagga takoorka, waxaan isku dayaynaa inaan meel habboon kugu hagno.

Sidee arrin la idiin keenay uga shaqaysaan?

Markuu qof dacwad ah in la takooray noo soo gudbiyo, dacwadda kiis ahaan ayaan halkeena uga baari karnaa. Baaritaan micnihiisu wuxuu yahay inaan warbixin iyo caddayn ka uruurinno qofka dacwooday iyo kan la dacweeyay.

Mawqif sharci kama qaadano arrin ilaa baaritaanku uu soo dhamaado. Haddaan u aragno in arrintu ay xadgudub ku tahay sharciga ka hortagga takoorka, wakiil ayaan qofkii soo dacwooday kiiska uga noqonnaa. Geeddisocodka noocaan ahi micnihiisu wuxuu yahay inaan ku dadaalno inaan dhibaatada xal u helno annagoo ka ambaqaadanayna waxa dacwooduhu uu doonayo iyo waxa aan annagu u argno inay suurogal yihiin. Waxay tusaalie ahaan noqon kartaa raalligelin, caawimo tabobar, magdhow lacageed ama geeddisocod maxkamadeed.

Maxaa loo baahan yahay inaan dacwoode ahaan sameeyo?

Aad ayay muhiim u tahay in dacwadda si degdeg ah nalagu soo gudbiyo. Sharciga ka hortagga takoorku xilliyo dacwo oo gaaban ayuu leeyahay – muddada ay tahay in kiiska lagu soo gabogabeeyo – taasoo loo baahan yahay inaan ku talagalno.

Marka Antidiskrimineringsbyrån Väst uu arrin baarayo, waxaa loo baahan yahay in wadashaqayn dhow dacwoodaha lala yeesho. Fursado kooban ayay sharciyaqaanadayada u leeyihiin inay caddaymaha iyo dokumentiyada kale ku ururiyaan. Waxaa loo baahan yahay in dacwooduhu uu iskiisa u soo gudbiyo caddaymaha loo kuurgalayo marka arrinta la baarayo. Waxay tusaale ahaan noqon karaan warqado, e-maillo, SMS-yo, go’aanno, sawirro, codad iyo filimmo la soo dubay, dad markhaati furi kara iwm.

Wakhti intee la eg ayuu baaritaanku qaataa?

Baaritaanku inta badan wakhti aan yarayn ayuu qaataa, wuxuuna u baahan yahay wadashaqayn dhexmarta dacwoodaha iyo sharciyaqaanka arrinta baaraya. Way adag tahay in jawaab sax ah laga bixiyo wakhtiga uu baaritaanku qaadanayo, laakiin wuxuu noqon karaa dhawr bilood iyo ilaa sannad, taasoo ay hadba ku xiran siday arrintu u muuqato.

Ballan la'aan ma iska imaan karaa?

Maya, marka hore waa inaad nala soo xiriirtaa si aad sharciyaqaannada ballan kulan uga qabsato.

Waa maxay takoor qaabaysan?

Takoor qaabaysan waa marka qayb dadweynaha ka mid ah sifo ay leeyihiin oo u gaar ah lagu takooro. Waxaa taas ka mid noqon kara inay fursado dadka kale ka liita u helaan shaqo iyo daryeel iyo inay la kulmaan dabeecado bahdilaad ah. Sharciyada, xeerarka iyo nidaamyada ayaa tusaale u ah sida takoorka qaabaysan loo dhaqangeliyo.

Weligay hawlaha aad haysaan ma maqal. Maxaad faahfaahinno dheeraad ah uga bixin weydeen?

Maadaama aan nahay urur aan faa’iido doon ahayn waxaa xaddidan fursadaha aan warkeena ku gaarsiin lahayn 34 degmo ee aageena hawlgaleed ka midka ah.

Webbsaytkeena waxaa u dheer innan akawno ku leenahay aaladaha warbaahinta bulshada, halkaasoo aan hadba dhigno macluumaad cusub oo ku saabsan takoorka, xuquuqda bani’aadamka iyo waxyaalaha xaggeena ka dhacaya.

Hawlaheena talobixinta sharciyeed waxaa u dheer inaan ka shaqayno sida aan madaxda u saamayn lahayn. Ilayn iyaga ayuu saaran yahay waajibka ah inay gaaraan go’aanno xaq ah oo aan koox dadweynaha ka mid ah takoorin. Hawsheena saamayneed waa mid heer qaran iyo heer muxalli labadaba ah.

Af-iswiidhish iyo af-ingiriisi uun ayaad arrimo noogu soo tabin kartaa, hase ahaatee haddii loo baahdo turjumaan ayaynu dalbi karnaa.

Faahfaahin dheeraad ah oo takoorka ku saabsan waxaad ka heleysaa www.do.se.